Gogal dhiga xisbiga

Waxaa 2dii bisha Diseembar ee sannadkaan 2024-ka isugu yimid magaalada Muqdisho muwaadiniin soomaaliyeed, waxayna isku afgarteen inay tahay waajib wadani ah in laga qayb- qaato geedi socodka siyaasadda dalka, gaar ahaan hanaanka xisbiyada badan. Lagana qaybqaato doorashooyinka siyaasadeed ee dalka heer Degmo, heer Gobol, heer Maamul Goboleed iyo heer Federaal intaba. Kulamo isdabajoog ah oo arrintaan lagu gorfeeyey oo la isugu yimid laguna shiray meelo kala duwan ee dalka iyo dibadiisaba ah dabadeed waxaa la isku waafaqay in la dhiso urur siyaasadeedka RAMAAS. Islamarkaana la dejiyo xeerka, aragtida, himilada, ujeedooyinka iyo mabaadiida siyaasadeed ee ururka.

12 bisha April 25 waxaa magalada muqdosho lagu qabtay shirwaynihii 1aad ee xisbiga oo ay ka soo qayb galeen xubnaha ugu sareeya xisbiga saladiin aqaan yahaano siyasiin culimudiin dhalinyaro iyo qaar kamid ah urarada haweenka
Shirwayanhaas oo ah mid lagu muujinayay ka go naashaha geedi socodka iyo la jaanqadid siyaasada dalka guud ahaan .

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *