Wararka

Gogal dhiga xisbiga

Waxaa 2dii bisha Diseembar ee sannadkaan 2024-ka isugu yimid magaalada Muqdisho muwaadiniin soomaaliyeed, waxayna isku afgarteen inay tahay waajib wadani ah in laga qayb- qaato geedi socodka siyaasadda dalka, gaar ahaan hanaanka xisbiyada badan. Lagana qaybqaato doorashooyinka siyaasadeed ee dalka heer Degmo, heer Gobol, heer Maamul Goboleed iyo heer Federaal intaba. Kulamo isdabajoog ah oo arrintaan lagu gorfeeyey oo la isugu yimid laguna shiray meelo kala duwan ee dalka iyo dibadiisaba ah dabadeed waxaa la isku waafaqay in la dhiso urur siyaasadeedka RAMAAS. Islamarkaana la dejiyo xeerka, aragtida, himilada, ujeedooyinka iyo mabaadiida siyaasadeed ee ururka. 12 bisha April 25 waxaa magalada muqdosho lagu qabtay shirwaynihii 1aad ee xisbiga oo ay ka soo qayb galeen xubnaha ugu sareeya xisbiga saladiin aqaan yahaano siyasiin culimudiin dhalinyaro iyo qaar kamid ah urarada haweenkaShirwayanhaas oo ah mid lagu muujinayay ka go naashaha geedi socodka iyo la jaanqadid siyaasada dalka guud ahaan .

Gogal dhiga xisbiga Read More »

UJEEDDA XISBIGA

Xisbiga Ramaas waxaa uu diirada saraaya qodobada soo socda uuna u arkay muhiimad gara ah in lasiiyo . In laga hirgaliyo Maamul-Wanaag waddanka oo idil.In la mideeyo Shacabka Soomaaliyeed.In ciidanka soomaaliyeed lasiiyo mudnaanta kowaad loona hormariyo baahidooda .In kooxaha hubaysan lala heshiiyo oo lagu qanciyo gogosha nabaddaIn waddamada dariska ah xiriir wacan lala yeesho.In la hirgeliyo siyaasad ku dhisan Qarannimo oo aan ku salaysnayn Qabyaalad, Kooxaysi, Danaysi gaar ah iyo Faragelin Shisheeye.In la hirgeliyo siyaasad qaran oo qeexan oo leh yool dhow iyo mid fog ee dhinacyada barnaamijyada kala ah:Dhaqaalaha & Wax soo saarka.Amniga iyo dhismaha Ciidamada.Adeegyada Bulshada Kala saarista Tiirarka Dowladda (Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Maxkamadaha).Siyaasadda Dibedda iyo tan Gudaha.Horumarinta Miyyi iyo Magaalo, Balad iyo Baadiye.

UJEEDDA XISBIGA Read More »