ramaasparty

Xisbiga ayaa kulama kaladuwan laqaatay culuma udiinka soomaaliyeed.

Xisbiga Ramaas ayaa kulama kala duwan uu laqaatay culuma udiinka soomaaliyeed ayaa kawada hadlay sidii loo dardar galin laha himilada xisbiga iyo siduu uu ula shaqayn laha culima udiinka soomaliyee. Majmaca culimada soomaliyeed aya soo dhaweeyay afkaarta iyo himilada xisbiga ayagoona ku qancay hiigsiga iyo aragtida xisbiga kana dhex arkay in ay mudanyihiin in lala shaqeeyo lana garab istaago. Kulanak ayaa waxaa diirada lagu saaray ku dhaqan shareeccada islaamka oo ah mida kowaad in la isku xukumo maadama aynu nahay dad muslimiin ah dalkuna uu yahay dal Muslim ah.Guddoomiyaha xibiga ayaa ubalan qaady in ay kala Tashan donaan kana qaadan doonaan aragtida iyo afkaarta culimada si loo dhooro anshaxa iyo nimaadka la doonayao in lagu dhaqo siyaasada xisbiga.

Xisbiga ayaa kulama kaladuwan laqaatay culuma udiinka soomaaliyeed. Read More »

Gogal dhiga xisbiga

Waxaa 2dii bisha Diseembar ee sannadkaan 2024-ka isugu yimid magaalada Muqdisho muwaadiniin soomaaliyeed, waxayna isku afgarteen inay tahay waajib wadani ah in laga qayb- qaato geedi socodka siyaasadda dalka, gaar ahaan hanaanka xisbiyada badan. Lagana qaybqaato doorashooyinka siyaasadeed ee dalka heer Degmo, heer Gobol, heer Maamul Goboleed iyo heer Federaal intaba. Kulamo isdabajoog ah oo arrintaan lagu gorfeeyey oo la isugu yimid laguna shiray meelo kala duwan ee dalka iyo dibadiisaba ah dabadeed waxaa la isku waafaqay in la dhiso urur siyaasadeedka RAMAAS. Islamarkaana la dejiyo xeerka, aragtida, himilada, ujeedooyinka iyo mabaadiida siyaasadeed ee ururka. 12 bisha April 25 waxaa magalada muqdosho lagu qabtay shirwaynihii 1aad ee xisbiga oo ay ka soo qayb galeen xubnaha ugu sareeya xisbiga saladiin aqaan yahaano siyasiin culimudiin dhalinyaro iyo qaar kamid ah urarada haweenkaShirwayanhaas oo ah mid lagu muujinayay ka go naashaha geedi socodka iyo la jaanqadid siyaasada dalka guud ahaan .

Gogal dhiga xisbiga Read More »

UJEEDDA XISBIGA

Xisbiga Ramaas waxaa uu diirada saraaya qodobada soo socda uuna u arkay muhiimad gara ah in lasiiyo . In laga hirgaliyo Maamul-Wanaag waddanka oo idil.In la mideeyo Shacabka Soomaaliyeed.In ciidanka soomaaliyeed lasiiyo mudnaanta kowaad loona hormariyo baahidooda .In kooxaha hubaysan lala heshiiyo oo lagu qanciyo gogosha nabaddaIn waddamada dariska ah xiriir wacan lala yeesho.In la hirgeliyo siyaasad ku dhisan Qarannimo oo aan ku salaysnayn Qabyaalad, Kooxaysi, Danaysi gaar ah iyo Faragelin Shisheeye.In la hirgeliyo siyaasad qaran oo qeexan oo leh yool dhow iyo mid fog ee dhinacyada barnaamijyada kala ah:Dhaqaalaha & Wax soo saarka.Amniga iyo dhismaha Ciidamada.Adeegyada Bulshada Kala saarista Tiirarka Dowladda (Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Maxkamadaha).Siyaasadda Dibedda iyo tan Gudaha.Horumarinta Miyyi iyo Magaalo, Balad iyo Baadiye.

UJEEDDA XISBIGA Read More »