UJEEDDA XISBIGA

Xisbiga Ramaas waxaa uu diirada saraaya qodobada soo socda uuna u arkay muhiimad gara ah in lasiiyo .

In laga hirgaliyo Maamul-Wanaag waddanka oo idil.
In la mideeyo Shacabka Soomaaliyeed.
In ciidanka soomaaliyeed lasiiyo mudnaanta kowaad loona hormariyo baahidooda .
In kooxaha hubaysan lala heshiiyo oo lagu qanciyo gogosha nabadda
In waddamada dariska ah xiriir wacan lala yeesho.
In la hirgeliyo siyaasad ku dhisan Qarannimo oo aan ku salaysnayn Qabyaalad, Kooxaysi, Danaysi gaar ah iyo Faragelin Shisheeye.
In la hirgeliyo siyaasad qaran oo qeexan oo leh yool dhow iyo mid fog ee dhinacyada barnaamijyada kala ah:
Dhaqaalaha & Wax soo saarka.
Amniga iyo dhismaha Ciidamada.
Adeegyada Bulshada

Kala saarista Tiirarka Dowladda (Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Maxkamadaha).
Siyaasadda Dibedda iyo tan Gudaha.
Horumarinta Miyyi iyo Magaalo, Balad iyo Baadiye.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *